Thursday, 18 March 2021

 Muqdisho  Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu dhowaan ugu jawaabay Wasiirka Gargaarka, Khadiijo Maxamed Diiriye, mar ay booqatay qabrigii Maxamed Siyaad Barre.

“Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin,” ayuu yiri dhawaan kadib markii uu faallo ka bixiyay Wasiir Khadiija oo booqatay qabrigii Siyaad Barre.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horreeyntii sheegay in ujeedkiisu uusan ahayn in uu diido u ducayn qof dhintay, booqasho qabri ama uu beel Soomaliyeed wax u dhimo, balse uu uga dan lahaa ifinta wax uu ku sheegay ‘in aan xukun lagu raadin raali-gelinta madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday.

“Waxaan ka raalli gelinayaa intii u fahamtay in aan duco iyo siyaaro u diidanahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre ama u qaadatay inaan Khadiijo ama qabiil gooni ah duullaan ku ahay”.

Sidoo kale waxa uu ka cudur daartay in ula jeedka uu uga falceliyay arrintaas aysan aheyn in uu dhaleeceeyo Wasiir Khadiijo oo uu sheegay inay Reer Buulo Burte isla ahaan jireen.

“Maaddaama ay adag tahay in aragti midaysan laga yeesho shakhsiyaadka iyo sooyaalka taariikhdooda togan ama taban, oo mid ay dad badani danbiile u haystaan ay dhici karto in uu qola kale geesi agtooda ka yahay, waxaan go’aansaday inaan ka gaabsado qiimaynta shakhsiyaadka lagu kala qaybsan yahay, ilaa laga fursan waayo maahee, oo markaana aan si taxaddar leh uga hadlo anigoo xeerinaya dareenkaas kala duwan ee bulshada,” ayuu ku yiri qoraal dheer oo uu raali-gelin uga bixiyay arrintaan.

Arrintaan ayaa maalmihii u dambeysay aad looga hadlayey baraha bulshada, ayada oo bulshaduna qaabab kala duwan uga hadleen, midaasi oo la fahamsan yahay inay keentay raali-galinta uu maanta ka bixiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.




Wednesday, 17 March 2021

Zlatan Ibrahimovic oo dib ugu soo laabtay xulka qaranka Sweden

 (Yurub) 16 Maarso 2021. Tababaraha xulka qaranka Sweden ee Janne Andersson ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigahiisa, kuwaasoo isku diyaarinaya kulammada caalamiga ah ay ciyaarayaan inta lagu guda jiro bishan.

Xulka qaranka Sweden ayaa lagu arkay inuu ku soo laabtay weeraryahanka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic, kaddib markii uu ka maqnaa in ka badan 5 sano.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay dabayaaqadii 2016 in uu ka fariistay u ciyaarista xulkiisa qaranka Sweden, balse heshiis uu la galay xiriirka kubadda cagta Sweden iyo tababare Janne Andersson ayaa ka dhigtay inuu markale soo noqdo weeraryahanka kooxda AC Milan.

Xulka qaranka Sweden ayaa isku diyaarinaya inuu ciyaaro seddex kulan inta lagu guda jiro Isbuuca FIFA ee kulammada caalamiga ah ee bishan Maarso.

Qaranka Sweden ayaa wajihi doona xulalka kala ah Kosovo iyo Estonia ilaa dhamaadka bisha Maarso ee haatan socota



Sawirro: Rooble oo maanta tegay tacsida Cali Mahd

 Muqdisho (BURGOD NEWS POST) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed, oo dhawaan aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa markii uu booqday waxa uu saxiixay buugga tacsida, wuxuuna la kulmay qoyska iyo qaraabada marxuumka, guddigii tacsida  iyo odayaasha dhaqanka ee ka shaqeynayay tacsida marxuum Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu sidoo kale yiri Rooble oo hadal kooban ka jeediyay goobta.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay aaska madaxweynihii hore Allaha u naxariistee, marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta uu shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ka codsaday inay u duceeyaan marxuumka Allaha u naxariistee.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Deni iyo musharax Jabriil?

 Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan xasaasiya ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay kaga wada-hadleen labada mas’uul xaalada cakiran ee dalka iyo wada-hadalka doorashada ee la filayo inuu dhawaan qabsoomo, taasi oo caasimada u yimid madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu kulankaan qeyb ka noqonaya kulamo gooni-gooni ah oo uu Musharax Jabriil uu la qaadanayo dhamaan Siyaasiyiinta kala, Madaxda dowladda federalka ah, Maamul-gobaleedyadda iyo Bulshada rayidka ah.

Jabriil ayaa u muuqda musharaxa keliya ee maalmihii u dambeeyay dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah oo dhinacyada is-haya ay raali ku yihiin.Musharaxa oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hore ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili ay meel adag mareyso xiisada doorashada oo ay isku hayaan dowladda federaalka, maamulada iyo midowga musharaxiinta, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.







SIDA LOO IIBIYO XOOLAHA SUUQA BURGOD

 SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO   WAA SUU MAALINLE  OO TALAADO AH SUUQA  XOOLAHA  BURGO  


  Muqdisho   Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu dhowaan ugu...