(Yurub) 16 Maarso 2021. Tababaraha xulka qaranka Sweden ee Janne Andersson ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigahiisa, kuwaasoo isku diyaarinaya kulammada caalamiga ah ay ciyaarayaan inta lagu guda jiro bishan.
Xulka qaranka Sweden ayaa lagu arkay inuu ku soo laabtay weeraryahanka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic, kaddib markii uu ka maqnaa in ka badan 5 sano.
Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay dabayaaqadii 2016 in uu ka fariistay u ciyaarista xulkiisa qaranka Sweden, balse heshiis uu la galay xiriirka kubadda cagta Sweden iyo tababare Janne Andersson ayaa ka dhigtay inuu markale soo noqdo weeraryahanka kooxda AC Milan.
Xulka qaranka Sweden ayaa isku diyaarinaya inuu ciyaaro seddex kulan inta lagu guda jiro Isbuuca FIFA ee kulammada caalamiga ah ee bishan Maarso.
Qaranka Sweden ayaa wajihi doona xulalka kala ah Kosovo iyo Estonia ilaa dhamaadka bisha Maarso ee haatan socota
No comments:
Post a Comment